Qorsheyso Parks Your

pyp-site-banner_somali
Hay’ada Anoka County Parks waxa ay jeclaan lahayd in ay kala war qadaataan dadka hadda isticmaala barxadaha iyo dadka degaanka degan ee iyagu aan aqoonta fiican u lahayn nidaamka barxadaha deegaan u shaqeeyaan si ay uga caawiyaan dadaalada qorsheynta ah ee mustaqbalka. Iyadoo hay’ada Anoka County Parks Kaashanaysa hay’ada la yiraa Metropolitan Council, ayey waxay xiriirin doontaa beesha beesha oo dhan iyadoo adeegsanaysa qaabab badan oo xiriirin ah si ay u hubsato in tas’hiilaadka barxaduhu bixiyaan ay yihiin kuwa muujiya baahida beesha ee sida joogtada ah mar walba isu bedesha. Mashaariicda u furan ra’yi ka dhiibadka dadweynaha waxaa lagu liis gareyn doonaa boggan kolka ay diyaarka u yihiin in ra’yi laga dhiibto.

Bixi Ra’yigaaga! 

Bunker Hills Regional Park – Qorshaha Balaaran ee dib u habeynta ah

Qorshaha balaaran ee dib u habeynta ee lagu taliyey in lagu sameeyo Bunker Hills Regional Park waxaa ku jiri doona in lagu daro wadiiqo isku xirayaal dheeraad ah iyo ruggo dibada ah. Waxaa loo baahan yahay akhbaar dheeraad ee ku saabsan isticmaalka barxada ee hadda sida uu yahay iyo sida isticmaalka barxada ee mustaqbalka laga yaabo in uu noqdo. 


Mississippi West Regional Park - Qorshaha Balaaran ee dib u habeynta ah (Master plan Amendment) 

Qorshaha balaaran ee dib u habeynta ee lagu taliyey in lagu sameeyo Mississippi West Regional Park waxaa ku jiri doona laami ka dhigida wadada laga galo rugta (Traprock Street) barxad gaadiidka la dhigto iyo ku darida wadiiqooyin kale. Waxaa loo baahan yahay akhbaar dheeraad ee ku saabsan isticmaalka barxada ee hadda sida uu yahay iyo sida isticmaalka barxada ee mustaqbalka laga yaabo in uu noqdo. 


Aftida Khadka – (On line Survey)



Qorshaha Balaaran ee Barxadaha

Booqo boga u gaarka ah barxad walba si aad u eegto qorshaha balaaran ee ugu dambeeyey ee lala damacsan yahay barxadaa iyada ah. 

Nala soo Xiriir

Anoka County Parks waxa ay aad u jeceshahay in aad la soo xiriirto. Fadlan si toos ah noola soo xiriir si aad noola socod siiso wixii su’aal ah ama walaac ah ee aad qabto ama noola wadaagto wixii talo ah ee aad soo jeedinayso.